Dowlada Soomaaliya Iyo Shirkada Maamusha Dekada Muqdisho

130

Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray wada shaqeeynta Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Albayrak ee maamusha Dekadda Weyn ee Muqdisho, heshiiskaas oo Maanta lagu kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Heshiiskaan oo dhinaca Dowladda ay u saxiixday Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xildhibaan Cabdiraman Ducaale Beyle oo u mahad celiyay labada dhinac.

Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow 2 sanno ayaa si wadajir ah la isugu af gartay si loogu wada Shaqeeyo, iyada oo dekadda Muqdisho ay kamid tahay meelaah dhaqaalaha badan uu kasoo galo dowladda Soomaaliya.