Dowlada Soomaaliya oo Beenisay In Khadka Internet-ka loo Jaray Arrimo Siyaasadeed

37

Waxaa weli maalintii labaad  cilad ay ka jirtaa Khadka Internet-ka ee Koonfurta dalka Soomaaliya oo maalintii Sabtida aheyd go’ay

 dadka kunool Koonfurta soomaaliya ayaa  kusoo waaberiisteen Cilad heysata Adeega Internet-ka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga dareemay cilada ku timid Adeega Internet-ka, hayeeshee  manta ayaa waxa uu internet-ka uu yahay mid ka yara soo hagagayo sidii uu ahaa sabtida

Siihayaha Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cillada ku timid qadka Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo taagan in ka badan 12-saacadood.

 Wasiir Canshuur ayaa sheegay in cillidan aysan cusbeyn, balse hadda ay suurta gashay in la cillad bixiyo xarigii go’ay 26-kii bishii July oo markaas si ku meel gaar ah loo xalliyey.

Wasiir canshuur aayaa beeniayay in qaab siyaaasad ah loo xeray internetka balse waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihin kuwa been abuur ah oo aysan jirin wax arrimao siyaasadeed oo u maqanaa internetka basle waxa uu sheegay in ay daahfureen xarig kale oo internet ah, kaas oo laga soo xariiriyey dalka Jabuuti, isla markaana isu mara magaalooyinka Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa.

Waxana uu shegay in shacabka soomalaiay uu u sheegayo in aysan jirin wax arrimo siyaasadeed ah oo uu internetka uu u maqanaa

Khadkan internetka ayaa waxaa uu ka yara roon yahay sidii uu ahaa internetka oo malaintii shalay gebi ahaan ka maqnaa waxana hadda jira in khadka uu shaqeynayo waloow uusan awooda xawaraaha uusan gaarin midkii ay horey u isticmaali jireen shacabka muqdisho taasoo shirkadaha bixiya adeega internet-ka ay ku sheegeyn balaarin lagu sameynayo khadka internet-ka.