Dowlada Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Dileen Xubin Sare Oo Tirsan Al-Shabaab

38

Kadib dagaal Shalay ka dhacay tuulada Bululow oo Hoostimaado degmada Afgooye,ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa markii ugu horeyso ka hadlay Saraakiil ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab kuwaa oo sheegay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 50 dagaalaame ah iyo madaxii  howlgalinta Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabellada dhaxe.

Saraakiisha Danab ayaa Horjogaha la dilay waxa ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Howlgalinta maleeshiyaadka.

Dhinaca kale Saraakiisha Kumaandooska ayaa sheegay in gaari dheyno ah oo lagu daabulay meydadka Dagaalamayaasha  iyo Taliyaha la dilay ay shalay Shabaab ku Aaseen tuulada buulo yareey shiiqaal oo ka tirsan Shabellada dhaxe.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa tilmaamay in dhankooda ay dagaalkaasi uga geeriyooday ilaa iyo 13 askari oo ka tirsan Ciidanka xooga Dalka soomaaliyeed .