Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho Sawirro.

43

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Maqaayad ku taalla meel u dhow Garoonka Aadan Cadde.

Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada jalaato Devino, waxaana ka dhashay khasaare xoog leh.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa xaqiijiyay in 7 ruux oo meyd ah ay goobta ka qaadeen, halka dhaawacuna uu kor dhaafayo 10 ruux.

Ruuxa is qarxiyay oo la sheegay in uu gudaha u galay Maqaayadda, waxaana  uu isku dhex qarxiyay koox u badan dhalinyaro.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyneysay Qaarx Ismiidaamin ah oo caawa lagu  bartilmaamadsaday  shacab Soomaaliyeed ku qaxweynayey maqaayad ku dhaw isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 6  muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay weerarkaasi halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijyay taliska  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Halkaan Hoose ka Akhriso.