Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Hakisay dhismaha labaad ee maamulka Hirshabelle.

43

Illo xog-ogaal ah oo lagu  kalsoonan karo ayaa waxa  ay ku warramayan in Wasiirka arrimaha gudaha Fedaraalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo Qadka Teleefanka kula hadlay  Odayaasha dhaqanka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle uu ku amray in howsha ay wadaan hakiyaan masuuliyadda dhismaha Hirshabelle looga dambeeyo dowladda federalka  Soomaaliya.

Wasiirka arriamah Gudaha Xukumadda soomaaliya  ayaa intaasi ku daray in Beledweyne uu tagi doono berri oo Isniin ah si uu u ogaado tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan qaabka loo wajahayo dhismaha Hirshabelle kaddibna jowhar uu tagi doono si labadda dhinac u dhageysto tabashadooda .

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii xalay Jowhar laga helay xog sheegeeysa in Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali guudlaawe uu Odayasha dhaqanka ka dalbay in ay deg deg ku gudbiyaan liiska xildhibaanada cusub si guddi dhismaha Baarlamaanka labaad ee hirshabelle iyane ugu dhawaaqaan xildhibaanada cusub.

Sikastaba tallaabadan aay qaaday Xukumadda Soomaaliya ayaa ka dhigtay in dhismaha Hirshabelle iyo go’aanka ugu dambeeya ay leeyihiin  shacabka reer Hirshabelle taladana ay ku jtiro gacanta Odayasha dhaqanka ee tabashada qaba.

Dhawaan waxa soo baxayay cabasho ay qaban Odayaasha iyo siyaasinta  ka soo jeeda Gobolka hiirn kuwaasi oo dhaliilsan nidaamak Maamul dhisidda  Hirshabelle