Dowladda Federaalka Oo Ka Hadashay Dib U Dhaca Shirka Dhuusamareeb

55

Shirka Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa lagu waday inuu xalay furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa mar labaad ku yimid, waxaana arrintaas ka hadashay Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Shirka Madaxda ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo lagu waday inuu furmo 6-dii maqribnimo ee xalay, balse dib uu u dhacay, sababo la xiriira safarka Madaxda maamulada qaarkood.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo daalnaa awgood uu shirka dib u dhacay, hayeeshee saaacdaha soo socda ee Maanta uu furmo doono, isla markaana looga hadli doono xaaladda dalka.