Dowladda iyo xubno ka tirsan M/Goboleedyada oo Maanta Shir u furmay

15

Shirka Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaraddaha Caafimaadka dowlad Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirka ka furmay Caasimadda Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qorshayaasha Horumarineed ee Caafimaadka dalka iyo Iskaashiga Caafimaad ee maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda iyo kuwa Caafimaadka maamulada, Hay’addaha iyo Deeq bixiyeyaasha Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirada Caafimaadka maamulada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo xubno ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Shirka.

Shirkaan ka furmay Magaalada Garoowe ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed, waxaana shirkaas sigaar ah diirada loogu saarayaa qorshayaasha Horumarineed ee Caafimaadka dalka, Iskaashiga Caafimaad ee Maamulada dalka.