Dowladda Kenya Oo ICJ Ka Dalbatay In Dib Loo Dhigo Dhagaysiga Kiiska Badda Ee Kala Dhexeeya Somalia

69

Dowladda Kenya ayaa dalbatay markii 4aad in dib loo dhigo arrinta kiiska badda ee kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya, waxaana dalab arrintaasi ku aaddan ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Maxkamadda Caalamiga ah ee  ICJ oo gashay isbeddal dhanka hoggaanka ah ayay Dowladda Kenya waxaa ay u gudbisay dalab u muuqda in ay kaga faa’iideysanayso hoggaanka cusub, dalabkaasi oo ah in dib loo dhigo arrinta Kiiska badda ee kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya, waxaana ay qoratay Kenya codsi gaar ah oo ay ku doonayso in danaheeda loo fududeeyo, balse waxaa la ogayn sida Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay uga jawaabi doonto danaha gaarka ah ee ay wadato Kenya.