Friday, February 26, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Dowladda oo dhagxaan ku xirtay Isgoys ku yaal Muqdisho

Dowladda oo dhagxaan ku xirtay Isgoys ku yaal Muqdisho

14

Hay’adaha Ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagxaan waawyen ku xirtay Isgoyska dabka ee Magaalada muqdisho, kadib markii gaari xoog uga soo gudbay uu shalay ku qarxay koontoroolka isgoyska Sayidka.

Dhagxaanta oo ay dejiyeen Gawaari waaweyn oo lagu raray ayaa waxaa lagu jaray Isgoyska dabka, waxaana meesha ka baxay Gawaaridii ka imaan jirtay dhinaca Isgoyska Bakaaraha ee u soo gudbi jiray dhinaca

Hay’adaha Ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagxaan waawyen ku xirtay Isgoyska dabka ee Magaalada muqdisho, kadib markii gaari xoog uga soo gudbay uu shalay ku qarxay koontoroolka isgoyska Sayidka.

Dhagxaanta oo ay dejiyeen Gawaari waaweyn oo lagu raray ayaa waxaa lagu jaray Isgoyska dabka, waxaana meesha ka baxay Gawaaridii ka imaan jirtay dhinaca Isgoyska Bakaaraha ee u soo gudbi jiray dhinaca kale ee degmada Waaberi.

Dad saaka tegay isgoyska dabka ayaa sheegay inay arkeen dhagxaanta waaweyn ee halkaasi lagu xiray , isl markaana ay caqabad ku tahay Gawaarida ka imaata dhinaca isgoyska Dabka.

Wadoyinka jidcadayaasha eek u yaal degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa horay dowladda Soomaaliya ay ugu jartay dhagxaan waaweyn, hayeeshee weli ay muqdisho ka dhacayaan qaraxyada.