Dowladda Oo Shaacisay Inay Culeys Abuuren Dhagxaanta Lagu Xiray Isgoyska Dabka

66

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aankii Hay’addaha amniga xalay ay dhagxaan waaweyn ugu xireen Isgoyska Dabka ee ku yaalla wadada Maka Al-murama ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in Go’aankii Isgoyska Dabka qeyb ahaa loogu xiray dhagxaanta uu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka.

Waxaa uu sheegay in dib u eegis Deg-deg ah lagu sameeyn doono dhagxaanta xalay lagu xiray Isgoyska Dabka oo kamid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda, iyadoo la xoojinayo adkeyta dhinaca amniga.

“Go’aanka Isgoyska Dabka qeyb ahaan lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka. Inshallah dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa iyada oo had iyo jeer ahmiyadda la siinayo daryeelka shacabka ,lana sii xoojinayo adkeynta amnig” ayuu Afhayeen Macalimuu.

Sawirro laga soo qaaday Isgoyska Dabka ayaa muujiyay in meesha ay ka baxday gaadiidkii ka imaan jiray dhinaca Suuqa Bakaaraha ee tooska ugu gudbi jiray degmada Waaberi ama aadi jiray dhinaca Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho.

Dhagxaanta la dhigay Dabka ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo shalay gaari NOHA oo xoog kusoo baray Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas ku leeyihiin uu isku qarxiyey Isgoyska Sayidka halka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa horey waddooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho oo muddo ay ku xirnaayeen Dhagxaan waaweyn ka qaaday, dibna u furay, kadib markii xilka loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.