Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

27

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5aad ee guutada DANAB  Carab Dheeg Axmed ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in howlgalkaas lagu dilay saddex Sarkaal iyo 13 xubnood oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen lix xubnood.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay sheegay in Ciidanka ay bur-buriyeen xarumo Al-shabaab ay ku lahaayeen degmadaasi jamaame ee gobolka jubada hoose howlgalkana uu ahaa mid qorsheeysan oo lagu doonayo inlooga adkaado Al-Shabaab.