Monday, July 26, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Dowladda Somalia iyo Azerbaijan oo wada hadal gaar ah yeeshay

Dowladda Somalia iyo Azerbaijan oo wada hadal gaar ah yeeshay

21

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jama Aidid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi.

Wasiirka Arimaha dibadda ayaa Safiirka dowladda uga warbixiyay xaaladda dalkiisa gaar ahaan deegaannadii dhowaan dagaaladu ku dhexmareen Azerbaijan iyo Armenia, wuxuuna Wasiirka ka mahadceliyay taageerada dowladda Somalia.

Amb. Jama Aidid oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in dhankiisa Wasiir Jeyhun Bayramo uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay dib u soo celinta xiriirka labada dal.

“Annaguna dhankayaga waxaanu uga mahad celinay sida fiican ee uu noo soo dhoweeyey. Waxaan u gudbinnay fariinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan xidhiidhka labada dal oo ah: Walaaltinimo, isqaddarin iyo iskaashi isu dheelitiran. Waxaan xusnay xidhiidhka soojireenka ah ee walaaltinimo iyo dhaqan ee labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.