Dowladda Somalia Oo Shaacisay Tirada Dad Cusub Oo Laga Helay COVID-19

26

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay Dad cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo Caalamka oo dhan saameyn ku yeeshay, kadib markii dadkaas baaritaano lagu sameeyay.

Warbixin kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga helay 58 qof, kuwaasi oo baaritaano Caafimaad lagu sameeyay, kadibna laga helay Cudurka.