Dowladda Soomaaliya oo cafis u fidisay ciidan Cabdirashiid Janan eek u sugan Gobolka Gedo

7

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage,oo ku sugan gobolka Gedo  ayaa cafis u fidiyay ciiddanka iyo saraakiisha uu hoggaaminayo wasiirka amniga  maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan ee gudaha u galay Kenya.

Hadalkaan ayuu taliye General Odowaa Yuusuf Raage ka shaaciyay kulan uu isaga iyo ku xigeenka hay’adda NISA, Abdul Kulane la qaateen bulshada Balad xaawo, iyagoo u sheegay in dowladdu soo dhoweynayso askari kasta oo dib ugusoo laabta degaankiisa iyo waajibaadkiisa qaran ee loo igmaday

Dagaalladii bilo ka hor dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ee gobolka Gedo, ayaa sababay in ciidamo beeleed uu hor kacayay Cabdirashiid Janan ay gudaha u galaan xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya , kadib markii looga awood roonaaday dagaal dehxmaray isga iyo Ciidamada dowlada eek u sugan Degamda Beledxaawo .

Dhawaan ayay aheyd markii , dowladda Soomaaliya ciidamo kale oo badan ku daabushay gobolka Gedo, si u sii xaqiijiso gacan ku haynta gobolka Gedo, oo weli ay isku khilaafsan yihiin maamulka Jubbaland.

Cafiska loo fideyey Ciidaanka Cabdirashiid Janan ayaa waxa ay Fursad u noqon kartaa in ay isku soo dhawaadaan Ciidamada dowlada Federalak Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Jubaland ee kuwada Sugan Gobolak Gedo.