Dowladda Soomaaliya oo codsatay in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM

26

Cabdi Saciid Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay kulan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya.

Cabdi Saciid waxa uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dhismaha ciidanka Qaranka iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab si looga saaro guud ahaan dalka.

Wuxuu uga mahad celiyay kaalinta beesha caalamka ee dhismaha ciidanka iyo doorka Howlgalka AMISOM ee la dagaallanka Al-Shabaab oo weli ku sugan meelo kamid ah dalka.

Qorshaha la wareegidda ciidanka Qaranka ee Amniga dalka mar uu soo hadal qaaday wuxuu sheegay in qorshahani yahay mid Soomaalidu leedahay, iyadana hogaaminayso wuxuu Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahadceliyay sida ay u taageerayaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo beesha caalamka ayuu tilmaamay in looga baahan yahay in ay iskaashaadaan si loo xaqiijiyo hadafka dhismaha ciidan Qaran oo awood u yeesha in dalka amnigiisa ka wareegaan dhammaadka 2023.