Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Degmada Diinsoor

106

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa safar  kooban  oo u jeedkiisu ahaa garab istaaga dadka danta yar ku tagay Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa seddex diyaaradood oo waday deeq raashin ah oo ka kooban labaatan tan, isla markaana ay si wadjir ah ugu deeqeen Wasiirka iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) gaarsiiyay dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan Degmada Diinsoor ee gobolka Baay oo ay go’doomiyeyn kooxda nabadiidka ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo dadka danta yar  garsiiyay raashin isugu jira Bariis, Sonkor, Bur iyo Saliid  ayaa ku baaqay in la garab istaago dadka reer  Diinsoor oo uu sheegay inay u baahanyihiin gargaar dhab ah, maadaama ay ka jiraan xaalad beni’aadannimo.