Dowladda Soomaaliya oo dib u soo celisay muwaadiniin ku xayirnaa Maleeshiya

48

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu kor u dhaafeyso 100 qof,oo in muddo ah ku xayirnaa dalka Maleesiya ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintan ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen magaalada Kuwala Lumpur  ee dalka Malaysia , kadib markii duulimaadyadii caalamka ay hakad galeen sababo la xariira cudurka Covid19.

Muwaadiniintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ka sii sagootiyay una fududeeyay safarkooda Safaradda somaliyeed ee dalka Malaysia oo hormuud uu u   yahay safiirka safaaradda  Danjire Abukar Abdi osman “ Mardaadi”, diblumaasiyiinta, howlwaddenna Safaaradda iyo waxgaradka kale ku nool waddanka Malaysia.

Safarkaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo nuuciisa oo kale ah oo muwaadiin ku xayirnaa dalka Malaysia dib loogu soo celiyo dalkii hooyo ee Somaliya .