Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid ku wareejisay Wasaaradda Beeraha ee Galmudug

35

Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa Shan Gaari oo ah nooca Soomaalida u yaqaano Cabdi-bilaha iyo agab ay ka mid yihiin Matoorro ku wareejisay Wasaarada Beeraha Dhirta iyo Daaqa Galmudug.

Wasiirka Beeraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Saciid Xuseen Ciid ayaa furayaasha Gawaaridan ku wareejiyay Wasiirka Beeraha dhirta iyo daaqa Galmudug, Axmad Nuur Xaaji Cismqan oo ay wehliyeen ku xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Beeraha Dhirta iyo daaqa ee maamul Goboleedka Galmudug, Axmad Nuur Xaaji Cismqan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu mahad-celiyay Gaadiidka iyo qalabka ee ay ku caawisay