Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Ciyaartoyda Koonfur Galbeed ee la dhaawacay

23

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Ciyaartoyda Koonfur Galbeed ee la dhaawacay falkaasi oo ahaa mid laga xumaado iyo xadgudubkii isir neceybka ahaa ee lagu beegsaday ciyaartoyda, masuuliyiinta iyo shacabka KGS ee usoo daawasha tagay ciyaartii shalay.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa ayaa waxa uu falkaasi ku tilmaamay in uu aad uga xun yahay lana aqbaleyn.

Waxa uu Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo Cayaartooyda xulka Koonfur Galbeed ee ay waxyeelada soo gaartay.

ciyaaryahanadii koonfur galbeed oo qaar ka mid ah ay yihiin wariyaal ama Camer Man ayaa hada lagu dabiibayaa magaalada Muqdisho kadib markii ay weerareen Taagyeeriyaasha Gobolka Benaadir .

Magacyada qaar ka mid ah ciyaaryahanada iyo wariyayaasha dhaawacmay.
Abdikariin Absaa,Mohamed Aden Mohamed Wadani – dhaawac garabka ah.
Mahamuudey Ibrahim – dhaawac isha ah.
Xabiib Ibraahim – dhaawac gacanta ah.