Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dad Turki Ah Oo Weerar Lagu Dilay

48

Wargeyska Daily Sabaax ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dowladda Turkiga uga tacsiyadeysay 13 qof oo kooxda PKK ay ku dileen waqooyiga dalka Ciraaq, ayna dowladda sheegtay inay ka xun tahay falkaas.

Sidoo kale Wargeyska ayaa Warbixinta ku xusay in dowladda Soomaaliya ay kamid aheyd dalal dhowr ah oo Xukuumadda Ankara ugu tacsiyeeyay dadkii ay ka dileen Kooxda PKK, kadib markii dadkaas todobaadkan weerar ku qaadeen.