Dowladda Soomaaliya oo mar kale ku celisay eedeynta ka dhanka ah IGAD

68

Dowladda Soomaaliya ayaa markale eedeyn dusha uga tuurtay guddiga dhexdhexaadinta IGAD iyadoo ku tilmaantay in guddigaas uu yahay mid aan dhexdhexaad ahayn.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday urur goboleedka IGAD inuu baabi’iyo warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga xaqiiqo raadinta ee ururka uu u diray xuduudda ay la wadaagto Kenya, ayada oo sheegtay in warbixintaas ay si weyn saameyn ugu yeelatay Kenya.

Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ku dheeraatay muhiimada ay leedahay in IGAD ay go’aan cad kasoo saaraan Warbixinta si looga hortaggo in uu xoogeysto khilaafka IGAD iyo Soomaaliya

“Guddiga wuxuu sidoo kale warbixintiisa ku qirtay in lagu qaaday diyaaradaha helicopter-ka ee ciidamada Kenya, xilli guddiggu ku guda jiray shaqo xaqiiqo raadin ah oo la xiriirtay ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xuduudda. Taas waa qirasho qeexeysa eexda guddiga, islamarkaana dhaawaceysa isku haleynta iyo sidoo kale dhex-dhexaadnimada dowladda Jabuuti, taasi oo sidoo kale dhaawac ku ah IGAD,” ayaa lagu yiri qoraalka.