Dowladda Soomaaliya Oo Qaaday Tilaabo Ka Dhan Ah Weerarkii Elite

22

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Weerarkii Elite shaqada uga joojiyay taliyihii Saldhigga Degmada C/casiis,iyadoo loo xiray askartii ilaalada Baraha Kontorool.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xaqiijiyay in shaqadii laga joojiyay taliyihii saldhigga degmad C/casiis Axmed Cabdullaahi Baashane, isla markaana xabsiga loo taxaabay askartii ilaalinaysay baraha Kantrool sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Elite Hotel.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay soconayaan baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah, isaga oo Saraakiisha laamaha ammaanka faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda.

Al-Shabaab ayaa weerar qarax uu ku bilowday ka geystay Liido 15kii Bishan,wixii xiligaasi ka dambeeyay waxaa go’aankaasi uu ka soo baxay taliska booliska,iyadoo ay qeyb ka tahay isla xisaabtanka hay’adaha ammaanka dowladda