Dowladda Soomaaliya Oo Safiir Cusub U Magacaawday Masar

28

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Safiir cusub u magacaawday dalka Masar, kaasi oo noqonaya Safiirka dowladda u fadhin doona dalkaas, ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta.

Dowladda Masar ayaa la sheegay inay soo aqbashay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalkaas, iyadoona dib u soo laaban doono xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo tan iyo sanadkii la soo dhaafay mugdi ku jiray.