Dowladda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay weerarkii Hotelka Afriik

71

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixisay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii hotelka Afriik ay ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkaas, waxaana lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 9 qof oo 4 kamid ah ay yihiin raggii weerarka qaaday & 5 qof oo uu kujiro Janareel Maxamed Nuur Galaal.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay weerarkaas oo uu kamid ahaa Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiisha ugu caansan Soomaaliya.

“ Ciidamada dowladda ayaa ku amaanan sida ay u xaqiijiyeen badbaadinta muwadiniinta hotelka ku sugnaa markii qaraxyada lagu weerarayay maleeshiyo hubeysane ay galeen, Kooxaha argagaxisada ah waxaa ay caadeysteen waxyeelada dadka rayidka ahkadib markii ciidamada dowladda kaga adkaadeen furimaha dagaalka kana qabsaday degaano dhowr ah ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada aysan ka daali dooninla dagalanka iyo soo afjarida Ururka Al-Shabaab oo weeraro dhowr ah ka fuliyay Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.