Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay weerar ka dhacay Sacuudiga

42

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye laheyd oo miineysan oo lagu qaaday Magaalooyin ka tirsan dalka Sacuudiga, weerarkaas oo ay fuliyeen Maleeshiyaatka Xuutiyiinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa lagu Cambareeyay weerarka ay Xuutiyiinta ku qaadeen Magaalada Khamis Mushait iyo mid kalen oo ay la beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyaadh.

Dowladda ayaa sheegtay inay ay ku garab taagantahay Boqortooyada dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda, isla markaana weerara dhacaya ay ka xun yihiin.

“Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda.

Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ayaa dhowr mar waxaa ay weeraro kala duwan oo geystay khasaaro hantiyadeed ay ku qaadeen Magaalooyin ka tirsan dalka Sacuudiga, waxaana dowladda Soomaaliya ay si kulul u Cambaareysay weerarkii horey uga dhacay halkaas.