Dowladda Sweden oo ka hadashay heshiiska ay gaareen Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada

14

Ra’iiaul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee shalay laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladdaa Sweden taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha.