Duqa Muqdisho oo markale ka hadlay shirkii Dhuusamareeb3

32

Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo la hadlay warbaahint ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan shirkii Dhuusamareeb 3.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ka soo hor-jeesteen in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay soo jeediyeen in doorashadu ay noqoto mid deegaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daray in Madaxweynaha iyo isagu ay ka tanaasuleen go’aankoodii hore ee doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dmabeyn uxuu ku baaqay in laga wada-shaqeeyo danaha guud iyo horumarka dalka, si looga gudbo caqabadaha haatan ka jira Soomaaliya.