Duqa Muqdisho Oo Amar Cusub Kusoo Rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

62

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bnaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulanka Guddoomiye Cumar Finish iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay soo laba kacleynta Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah todobaadyadii ugu dambeeyay laga diiwaan-geliyay dalka.