Duqa Muqdisho Oo Amar Dul Dhigay Ku Xigeennada Maamulka Iyo Xoghayaha Guud

39

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho   Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir Gudomiyay shirkii Maamulka sare ee Gobolka Waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Arrimaha looga hadlay ayaa waxaa  ka mid ah  sare uqaadista shaqooyinka holoryaala maamulka,sida Arrimaha amniga, Bilicda Magaalada, isku xirka Maamulka iyo Degmooyinka.

Ugu danbeyn Guddoomiye Cumar ayaa faray ku xigeennada maamulka iyo Xoghayaha Guud in ay dardar galiyaan Awaamiirta ka soo Baxday shirkii maanta