Duqa Muqdisho oo ka hadlay Arin xasaasi ah

117

Waxaa maanta  magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo Ansixintii Baarlamaanka ee matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho ay marti gelisay Soomaaliya oo dhan, isagoo u mahadceliyay codsigii Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay iyo Baarlamaanka oo ansixiyay xuquuqdii Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan iyo magaalada dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan.

“Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho”ayuu yidhi Guddoomiye Cumar Filish.

Banaan bixii maanta ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo dadweyne ka kala socda 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.