Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay Xildhibaanada golaha Shacabka

161

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay Xaflad Mahad Celin iyo Casha Sharaf U sameeyay Xildhibaanada Goloha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

Xafladaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Raisul Wasaare ku xigeenka Dalaka Gudoomiyasha Barlamanka Galmudug iyo Hirshabeele odayaasha Dhaqanka iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada sharafta leh oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

Dhankooda xildhibaanada golaha shacabka eek u sugnaa madasha ayaa muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin difaaca iyo xuquuq raadinta gobolka Banaadir iyaga oo sheegay in sidaas oo kale rajaynayaan in la cadeeyo maqaamka magaalada Muqdisho.