Monday, July 26, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Duqa Muqdisho oo Maanta kormeer ku tegay waddo uu dhismo ka socdo

Duqa Muqdisho oo Maanta kormeer ku tegay waddo uu dhismo ka socdo

13

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa Maanta kormeer ku tegey dhismaha ka socda Wadada Warshada Caanaha oo ay hore Cabasho uga soo gudbiyeen shacabka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay in wadada Warshada Caanaha laami la saari doono, isla markaana hadda la bilaabay dhismaha Marsha Biyeediga.

Duqa Muqdisho ayaa horey u balan qaaday inuu wax ka qaban doono cabashada dadweynaha ee ku aadan wax ka qabashada dhismaha Wadada Warshada Caanaha iyo Biyaha fariista Iskuulka Xamar Jadiid.

Dhismaha Wadadan oo uu maalgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay qeyb ka qaadaneysaa bilicda Magaalada Muqdisho, iyadoo soo afjareysa dhibaato ay ku qabeen Gaadiidka halkaasi isticmaala.

Kormeerka Maanta Guddoomiyaha Gobolka uu ku tegay dhismaha ka socda Wadada Warshada Caanaha ayaa waxaa ku wehlinaayay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.