Duqeyn Diyaaradeed Oo Mar Kale Ka Dhacday Degaano Ka Tirsan Bakool

41

Faah faahino ayaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka hadashay Wasaaradda amniga Maamulkaas.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado nooca aan duuliyaha wadin ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Abag-beeday, Gubid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo ka tirsan Gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahano kamid ahaa Al-shabaab, in kastoo aysan cadeyn tirada xubnaha la dilay iyo magacyadooda