Duqeyn ka dhacday Sh/Hoose oo lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab.

116

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa faah faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya 24 /8/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanku Isniintii geystay, ayaa lagu sheegay in lagu dilay lix ka tirsan AlShabaab, sida laga soo xigtay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Sidoo kale duqeynta ayaa la sheegay in looga jawaabayay weerar ay Alshabaab ku qaadday ciidamada Mareykanka iyo ciidamada kale ee caawinayay ee ah kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.