Duqii Hore Ee Muqdisho Oo Baaq U Diray Dowladda Federaalka

20

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi Maxmed ayaa war kasoo saaray maraxladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo jahawareeka siyaasadeed ee jira, waxaaan eedeyn xooggan usoo jeediyay Dwoladda hadda talada haysa.

Thaabit abdi ayaa sheegay in dowladda uu Maadxweynaha ka yahay Farmaajo uu waqtigii ka lumay, waxaana uu tilmaaamay in Himiladii  aheyd in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ay meesha ka baxday, waxaana uu sheegay in taas ay dowladdu mas’uul ka tahay maaddama waqtigii uu ka lumay iyadoon aan qaban waxyabihii uu farmaajo ballan qaaday markii uu qabanayay talada dalka.