Emanuel Macron oo si ka Jilicsan sidii hore u Hadlay Caawa.

29


Wareysi uu siiyay Aljazeera ayuu kusheegay in Dowlada Faransa aaney laheyn Wargeyska Muslimiinta Maaga sidoo kalena aflagaadeeyay Suubanaheena Muxamed S.C.W balse uu yahay mid madaxbanaaan.

“Mashruuc ay Dowlada leedahay maaha balse waa wargeys madaxbanaan waana in aan ilaalinaa Xuriyada hadalka” ayuu yiri

Wuxuu sidoo kale qiray inuu dareemayo Carada Muslimiinta ee ay ka qaadeen Hadalkiisa iyo Jaraa’idyada joogtada ah ee ugefa Muslimiinta iyo Nabiga.

Hadalka Macron wuxuu umuuqda Calaacal iyo Baroor balse waxaa wadamada Muslimiinta lagudboon iney wali sii wadaan diidmada Faransa.

Maxeey Wadamada Islaamka udhimayaan Faransa?

Dalal badan oo ey kamid yihiin Turkiga, Kuwait, Qatar, Pakistan iyo kuwa kale ayaa gabi ahaanba qaadacay Badeecadaha France taasoo markale dhaawaceysa Dhaqaalaha sii hoobanaya ee France.

Dhaqaalaha Dalkaas ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dhulka kusocday waxaana dhaawac iyo dharbaaxsho kale u ah diidmada dalalka islaamka iyo qaabka shucuubta dunida u arkaan dalkaan oo xitaa muwaadiniintiisa la ihaaneystay

Saameyn Amni ee Farance ku yeelatay arrintaani ayaa sababta in dhamaan safaaradaha France ee dalalka caalamka ay heegan kujiran iyagoo ka baqdin qaba Weeraro kayimaada dad ka careysan falalkii guracnaa ee ey isku daba kaceen Wargeyska iyo Macroon, kaliya wadamada dibada maahee xitaa gudaha ayey kabaqayaan in kacdoono kadhacaan

Muxuu salka ku hayaa Bandowga ?

Bandow ayaa lagusoo rogay France oo dhan Dowlada waxay ku sheegtay mid laxariira safmareenka Corona balse xaqiiqada ayaa ah cabsi amni iyo baqdin laga qabo kacdoono islaami ah oo dalka kadhaca.

Dalka France ayaa waxaa uu wajahayaan cabsi xoogan oo laga timada muslimiinta.