Eritrea oo si adag uga jawaabtay dembiyo dagaal oo lagu eedeeyey

32

Warbixin ay soo saartay hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in dil wadareedka la fuliyay 28-kii iyo 29-kii bishii November uu noqon karo fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadannimada.

Hase yeeshee, Wasiirka Warfaafinta ee Ereratiya, Yemane G Meskel, ayaa eedeyntaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Mr Meskel ayaa sheegay in la ogyahay in xeradaas dadka ku jira intooda badan ay yihiin dagaalyahannadii daacadda u ahaa xisbiga TPLF ee cararay kaddib markii lagu eedeeyay in ay xaquuq ba’an ka geysteen magaalada Mai-Kadra, xilligii ugu horreeyay ee uu dagaalka qarxay.

Amnesty ayaa sheegtay in warbixinteeda ku saabsan xasuuqa Aksum ay ka diyaarisay wareysiyo ay la yeelatay qaxootiga gobolka Tigray ka tagay ee ku sugan Suudaan, sidoo kalena ay khadka telefoonka ku wareysatay dad badan oo ku sugan magaalada, goob joogna ka ahaa dhacdooyinka