ERITREA OO SI RASMIYA U SHAACISAY IN AY CIIDANKEEDA KALA BAXAYSO GOBOLKA TIGRAY

13

Dowladda Eritrea, ayaa markii ugu horreysay si rasmiya u shaacisay, in ay ciidankeeda kala baxayso gobolka Tigray ee woqooyiga dalka Ethiopia.

Warqad ay dowladda Eritrea u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayay ku shaacisay in ciidankeeda ay kala baxayso Gobolka Tigray, kadib markii ay cadaadis caalami ah arrintaas kala kulantay.

Safiirka Eritrea u fadhida Qaramada Midoobay Sophia Tesfamariam, ayaa warqadda ku sheegtay in Addis Ababa iyo Asmara ay ku heshiiyeen, in ay ku dhaqaaqaan heerkoodii ugu sarreeyay ee ciidamada Eritrea ay kaga baxayaan, islamarkaana si dhaqso ah dib loo geeyo cutubyo Ethiopian ah xadka labada dal.

Milatariga Eritrea ayaa gacan ku siinayay ciidamada Ethiopia dagaalka ay kula jiraan xisbiga TPLF oo Ethiopia soo xukumi jiray, kaas oo soo billowday bishii November ee sanadkii hore.