Ethiopia oo ku haminayso inay Saldhigyo Milliteri ka dhisto Badda Cas

23

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Dina Al-Mufti waxa uu shaaciyey inuu dalkiisa ku haminayo inay Saldhigyo Milliteri ka dhistaan Badda Cas, balse, ma uu carabaabin dalka ama dalalka Gobalka ee ay Ethiopia Saldhigyada ka dhisan doonaan.

Afhayeenka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Addis Abeba ayaa sheegay inay dalal kala duwan u muujiyeen Ethiopia rabitaankooda ku aadan Kontoroolka danaha ee Gobalka Badda Cas iyo in laga dhiso Saldhigyo badan oo Milliteri.

Waxa uu caddeeyey inuu dalkiisa si dhow u danaynayo arrinkaasi, wuxuuna wax laga walaaco ku tilmaamay xaalladda dhimatay ee ku gedaaman Mandiqadda Badda Cas.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia waxay dhawaan soo bandhigeen Ciiddankooda cusub ee Badda, kuwaasi oo ku hubeysnaa Hubka Mariniska.

Ciiddanka Badda Ethiopia waxay horey Saldhig Ciiddanka Badda ku lahaayeen magaalladda Masawac ee dalka Eritrea,ka hor intaysan Eritrea ka xoroobin Ethiopia bishii May ee sanadkii 1991-kii.