Faah faahin dheeraad ah Qarixii saaka ka dhacay muqdisho

211

Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhaawacmay Qarax culus oo Saaka ka dhacay nawaaxiga Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo ku taalla Degmada Xamar-Jajab.

Qof isa-soo miidaamiyay ayaa gaari miinaysan ku qarxiyay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha oo ka soo horjeedda Dekedda Muqdisho sida ay sheegeen Saraakiil Booliis ah.

Sawirro laga soo qaaday Goobta ayaa muujinaya burbur xooggan oo Qaraxu gaarsiiyay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha ee Booliiska Soomaaliya

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho.