Tuesday, December 7, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal ka dhacay degmada Buurdhuubo

Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal ka dhacay degmada Buurdhuubo

48

Wararka aan ka heleyno degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka uu bilowday, kadib markii xubno hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen gudaha Buurdhuubo, lana maqlayay rasaas ay isdhaafsanayeen labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana uusan dagaalka geysan wax khasaaro ah.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmadaas ay ku warramayaan in Ciidanka dowladda ay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga.

Al-shabaab ayaa mararka qaarkood xiliyada habeenkii ah weerar kala duwan ku qaada Saldhigyada Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana wararka ka dhasha khasaaro.