Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Degaan Ka Tirsan Galgaduud

27

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo barqanimaii Maanta deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ku dilay qof la sheegay inuu shacab ahaa.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Isgoys oo hoostega degmada Balanballe, waxaana rag hubeysan oo maleeshiyaad ah oo watay gaari nooca raaxada ah ay u geysteen Nin shacab ah, halka qof kalena ay dhaawaceen.