Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Magaalada Garoowe

53

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad oo habeenkii xalay aheyd gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Mas’uul Maxkamadda Ciidamada darejada Koowaad ee Ciidamada Dowlad Goboledka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus, waxaana rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, xili uu marayay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Garoowe.

Ragii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta isga  baxsaday sida ay tilmaamayaan wararka halkaasi laga helayo.

waxaa daqiiqado kadib goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland oo qaaday Meydka Sarkaalka la dilay .

Maxamed Maxamuud Jaamuus ayaa la sheegay inuu kaaliye ka ahaa Maxkamadda Derejada-koowaad ee Ciidamada Puntland, isla markaana uu muddo la shaqeeyay Maxkamadda, hayeeshee xalay  lagu dilay Magaalada Garoowe.

Ilaa iyo hadda kama aysan hadal  saraakiisha Maamulka Puntland  dilkaasi ka dhacay Garoowe e lagu dilay sargaalkaasi ka tirsnaa Maxkmadda Maamulka Puntland