Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Baladweyne

36

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ka howlgala.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen Askariga, xili uu ku sugnaa xaafadda howlwadaag ee Baladweyne, waxaana la sheegay in Askariga uu goobta ugu geeriyooday rasaas lagu dhuftay.