Faah Faahin Kasoo Baxeysa Gantaallo Caawa Lagu Weeraray Magaalada Asma

13

Wararka naga soo gaaray dalka Eratariya ayaa ku soo waramaya in Dhawaqa Gantaallo dhowr ah fiidnimadii Caawa laga maqlay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya,

Gantaallahaani ayaa ku dhacay qeybo kamid ah Magaalada, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Ilaa iyo saddex Gantaal ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara gaar ahaan halka ay diyaaradaha Caga-dhigtaan ee Runwayga iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dowladda.

Dad ku sugan xaafado dhow halka ay dhaceen Gantaallada ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in mar qura ay maqleen jugta Gantaallo, isla markaana ay aaga isaga tageen, iyagoona aaday goob ammaan ah.

Macada inuu jiro khasaaro ka dhashay Gantaallada Caawa ku dhacay qeyb kamid Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya, sidoo kalena ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay dowladdaas oo ay uga hadlayaan falkaas dhacay.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo saacado kahor Madaxda Gobolka Tigree-ga ay ku hanjabeen in weerar loo adeegsaday Gantaalo ku qaadi doonaan Eratariya, iyagoona ku eedeeyay inay ka qeyb qaadatay dagaalka khasaaraha geystay ee ka socda dalkaasi.