Saturday, July 24, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Faah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Faah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

57

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday tooreey ama Middi oo fiidnimadii hore ee xalay ka dhacay xaafaddo ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo burcad ah ayaa ka kala dhacay xaafadaha Horseedi, waabari iyo waxarcade ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac oo loo geystay dad shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in saddex ruux oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarka ay qaadeen raggii hubeysnaa, iyadoona mid kamid ah dadkaas Caloosha looga dhuftay tooreey, lana la geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug ayaa xalay howlgal lagu baadi goobayay ragii burcada ahaa ee dhaca u geystay dadkii ay dhaawaceenka sameeyay xaafadaha uu weerarku dhacay.

Lama oga weli in howlgalka ay sameeyeen Ciidanka amniga Galmudug lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay falkii xalay ka dhacay xaafadaha Horseedi, Waabari iyo Waxarcade ee Magaalada Dhuusamareeb.

Caasimadda Galmudug ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro loo adeegsaday tooreeyo oo shacab ah lagu weeraray oo qaarkood ay ka dhasheen khasaaro dhaawacyo ah oo dadkii ka dambeeyay falkaas qaar gacanta lagu dhigay