Faah faahin laga helayo Weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose

48

Wararka laga helayo Gobolka shabeeladda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in  Werer Culus oo Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex-maray dueledka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee degmada Baraawe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa  sheegaya in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, sidoo kalena ay jireen Madaafiic dhowr aheyd oo ay isku rideen labada dhinac.

Dagaaalka oo ahaa mid looga adkaaday Al-shababkii weerarka Soo qaaday ayaa waxa ay iyaga oo firxad ah ay u carareen dhanka tuulooyinka miyaga ah halkaasi oo ay ku dhumaaleysanayaan waxaan la soo sheegayaa in Weraarkaasi Looga dilay tiro badan oo maaleeshiyaadka weerarka soo qaaday Markii hore .

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM ay weerarka, kaddib howlgallo ka sameeyeen degaannada ku yaalla duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, in kastoo aan weli la sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalkaas.

Xaalada ayaa saakay ah mid degaan mana jiraan wax dhibaato ah oo laga soo sheegayo deeganka waxana ku sugaan ciidamada Mamaulka Gobolka iyo Kuwa Amisom oo caawinaya