Faah-Faahin:-Qarixii ka dhacay Degmada Xamar-weeyne

51

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare ayaa War kasoo saaray Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweeyne ee Gobolka Banaadir.

Qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray Guddoomiye Cali Yare Cali ayaa waxaa uu ku sheegay in Nin watay jaakad waxyaabaha Qarxa ay markii hore shacabka ka shakiyeen, isla markaana iyada oo la cersanayay uu tuuray Jaakada Qaraxa.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka in Jaakada ay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ku qaraxday, iyadoona qaraxaas jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka