Tuesday, May 11, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Faah faahin:-Sarkaal lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Sarkaal lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

19

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo ku hubeysnaa Bastoolad oo barqanimadii Maanta gudaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Dad ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo hubeysan ay toogasho ku dileen Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Booliska, xili uu ku sugnaa xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodan, isagoo u geeriyooday rasaas jirka sare ka haleeshay.

Magaca Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Cali Cilmi oo loo yaqaanay Mahad Doollar, waxaana goobta uu falku ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa sida caadada aheyd tegay goobta, iyagoona qaaday Meydka Mahad Doollar, isla markaana la sheegay inay la aadeen dhinaca Xarunta CID-da.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin dowladeed iyo dad shacab ah, waxaana dilalkaas inta badan sheegtay Al-shabaab.