Faah Faahin:-Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Puntland

39

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shilkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha, xili ay isaga hor yimideen halkii laga raray Kantaroolka dhanka bari ee Caasimadda Garoowe.